maanhadal
Wareysi Cabdillaahi Diiriye: Waa Kuma Aabaha Miisaanka Maansada Soomaaliyeed? 
By WardheerNews
May 21 2008

Wardheer News waxa uu suurta gashay in ay wareysi la yeelato Bare Sare Cabdillaahi Diiriye Guuleed, oo ku magac dheer Carraale. Macalin Carraale waa aqoonyahan ku xeel dheer suugaanta Soomaalida oo wax ku bartay dalka Maraykanka iyo Soomaaliya.  

Professor Carraale wuxu suugaanta Soomaaliyeed ku soo kordhiyey daahfurida qaacidada maansada soomaaliyeed ku salaysan tahay. Qaacidadada, oo loo yaqaan, “miisaanka maansada”, waxa jirta arragti kale oo ah inuu daahfuray Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac(Gaarriye). 

Maadaama “miisaanka maansadu” tahay daahfurkii ugu qiima weynaa ee qarnigii tegay ku soo kordhay suugaanta Soomaalida, WardheerNews waxa ay furaysaa dood ku saabsan yaa hor helay “miisaanka maansada. Labaddan aqoonyahan ee Soomaaliyeed iyad oo ay jirto in weli dood ku saabsan yaa hor helay “miisaanka maansada” aan loo furin.  

Waxa WardheerNews hadda u hirgashay in ey wareysi ka qaado Professor Cabdulaahi Diiriye Guuleed(Carraale). Carraale wuxu ka waramayaa sida uu isagu u yahay aqoonyankii ugu horeeyey ee daah furay “miisaanka maansada”.  

Bare sare Carraale wuxu magcaabayaa aqoonyahannadii markhaatiga ka ahaa arrintaa ee xilligaa goob jooga ahaa. Wuxu Carraale diyaar u yahay, siduu wareysigan ku tibaaxay, in uu Abwaan Gaarriye soo hor fadhiisto iyagoo arrintaa ka doodaya. 

Carraale wuxu kale oo aqoonyahannada xiiseeya miisaanka u sheegaya in hannaanka miisaanka maansada ee uu 1976 soo bandhigay iyo habka Abwaan Gaariye xilligaa u soo bandhigay miisaanka ay dhuuxaan iyagoo kala hufayo. Dhuuxitaankooda ka dib waxay arkayaan in dhamaan aqoonyahannada xiisaya suugaanta soomaalida, Soomaalida iyo kuwa aan Soomaalida ahayn, ee wax ka qoray miisaanka in ay qaateen qaacidada bare sare Carraale soo bandhigay.  
 
 

Waa kan Wareysiigii Wardheer News la yeelatay Professor Cabdilaahi Diiriye Guuleed. 

WardheerNews: Mahadsanid Professor Cabdillahi Diiriye Guuleed (Carraale), fadlan marka hore nooga waran taariikh nololeedkaaga? 
 

Carraale: Taxanahaygii wax barasho:

1.  Dugsiyada hoose, dhexe waxaan ku qaatay gobolka Togdheer 1958-65.

2.  Dugsiga sare NTEC(National Teacher Education Center) 1965-68. 

3. a. Ka jaamacadeed Kulliyaddii Macallimiinta (College of Education) ee Lafoole 1970-74 (BSc).

b. UCLA (University of California at Los Angels) 1980-82 (MA).

 WardheerNews: Miisaanka maansadu waa qaacida ku cusub suugaanta Soomaaliga.  Fadlan noo sharax waxa ay tahay miisaanka maansadu ama tixlaydu? yaa markuu u horeyey ku adeegsaday erayga "miisaanka" suugaanta Soomaalida dhexdeeda? 

Carraale: Ereyga "miisaan" kuma cusba halabuurka hadda jira. Waxa jirey haddii meeris jaban curiye ku dhawaaqo, waxa markiiba maanso-dhaadhigu odhan jirey "laaxin" baa kuu jira. Balse halka uu kaga jiro ama meerisku waxa uu la dhutinayo hore hoos looma deyin, haddii loo deyeyna Carraale hortii laguma guuleysan.

Waxa aan anigu markii ugu horreysey ku guuleystey in aan soo bandhigo halka ama sida laaxinku ugu jiro. Ka dib markii aan kala hufeye kala haadiyey ee aan kala shaandhayna ku kala shiilay, waxa aan helay in Saddex Xeer u sal-dhig yihiin meeris kasta, bah kasta oo bahaha maansada ka mid ahba ha noqdo e. Saddex xeerna waa:

1. Tiro cayiman ama go'an oo meerisyada bah maanso ku dhismaan una gaar ah. Ka soo qaad Jiiftada oo meeriska u salka ahi ka kooban yahay Shan  Alan (dhawaaq,cod ama "syllable") oo afar shaqal dheere leeyihiin.

                                

                                  Hooyooy la'aantaa   (5,4)

                                  Hooyaba la'aanteed (6,3)

                                  -----------------------

2. In bah maanso oo kasta laga rabo in goobo ama kaalimo cayiman shaqal dheeruhu  ka galo ama ka galaan waa haddii ay mid ka badan yihiine. Meerisyada sare ku xusan, alanka badhtanka ku jira mar kasta waa shaqal gaab, waa haddii ay jiifto tahay.

3. In la dhawro, lana ilaaliyo hormaynta bah maanso leedahay, waayo way ku kala duwan yihiin bahuhu xagga hormaynta. Meerisyadan soo socda kolkii aynu hormaynta wax beddeley waxa ay isu rogeen bah maanso oo kale.

  a.   Wardheer dal wanaagsanaydaa             (waa meeris heello)

   b.   Dal wanaagsanaydaa Wardheer,            (waa hojis gabay). Bal hoorisna ku dar ah,    waayo maan arage.

   c.   Cashaduu Ilaahay

   d.  Cirka taagey udub li'i.                        Waa laba meeris oo jiifto ah.

   e.  Ilaahay cashaduu

   f.   Udub li'i cirka taagey.                         Waa laba meeris oo geeraar ah.                  

Ereyga "miisaan" isaga oo af Soomaali ah adeegsigiisu waa badan yahay waana jiraa. Balse ereygu waxa uu aniga igu duxay kolkii aan ka helay hal-xidhaalahan laba gabayaa is weydaarsadeen. Kii hore waxa uu yidhi:

       Minyaradu minweynada waxay,              kaga macaanaatey

       Haddaad gabayga miisaan taqaan,        miimka ka higgaadi?

Kii kalena waxa uu ugu war-celiyey:

        Minyaradu minweynada waxay,             kaga macaanaatay

        Waa maadh xidhnaayoon la furin,          maanta ka horoowe. 

WardheerNews: Professor Cabdillaahi, goormaad bilawday baadhitaanka miisaanka maansada? Maxaa kugu dhaliyey raadraaca miisaanka maansada?

Carraale: Miisaanka waxa igu baraarujiyey barashada "meter"ka Ingiriisida. 1972 kolkii na loo dhigay sida gabayga Ingiriisku u dhisan yahay, ayaan is weyddiiyey, keligay, kol haddii gabayga Ingiriisku dhiskan cayiman leeyahay, kii Soomaaligu lahaa mee? Waa sannadkaygii labaad ee kulliyadda("sophomore year as an English major"). Waxa aan dareemay in Soomaaliguna leeyahay e aan la baadhin.  1974 ka dib, kolkii aan ka qalin-jebiyey Kulliyadda waxa la ii beddeley dugsiga sare ee Marka. Kolkaas baan u gacan-baxay, baadhista dhabta ahna gudo-galay. Toddobaabkii u horeeyey ee 1976 ayaan qalinka ka qaaday oo dhammeeyey qaybtii ugu horreysey, soona ban-dhigay. Qoraalkaa oo aan markaa u bixiyey "Gorfaynta Gabayga", waayo gabayga oo aan ku bilaabay helista miisaankiisa ayuu ku koobnaa. Gabaygu waa udub dhexaadka suugaanta oo isaga ayaa fura u ah maansooyinka kale oo dhan. Isla 1976 ayaa Jaamicaddii Umadda Soomaaliyeed (JUS) iga iibsatey buugaa.

Kol haddii aan helay furihii oo ah saddexda xeer ee miisaanka xakameeya oo gabayga saaran, bahaha maansada ee kale hawl culusba iguma ay qaadan. Waxa keli ah ee aan u baahday waxa ay noqdotay tusaaleyaal badan oo aan bah walba ka helo. Kuwaana badidoodaba hore ayaan u ururin jirey. In aan u kala ab-tiriyo ayuun baa soo baxday. Iyana dhibba ma lahayn, waayo miisaanka saddexdii xeer uun la beegso ayaa soo baxday. Kolkii aan tafo-tirayna waxa aan ku soo ban-dhigay qoraalkaygii labaad ee ahaa buugii  "Miisaanka Maansada Soomaaliyeed"  oo isna Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed(US) iga iibsatey 1977. Labada qoraalbana waa la heli karaa iyaga iyo taariikhdoodiiba. Xassan Aw Daahir Qaalib ayaa markaa Xafiiska Manaahinjta joogay oo si buuxda ula socday. Qoraaladii aan Xiddigta Oktoobar ku soo daabacay 1978 waxaan ka soo qaadan jiray buugaa “Miisaanka Maansada Soomaaliyeed”.

Haa, way jireen dad ila socdey xilligii aan qoraalka ku dhex jirey. Balse dadkaasi ma ay hubin in aan ka midho-dhalin karo iyo in kale. Markiise aan ka biyo-gaadhey bay aqoonsadeen, dabadeedna warkii faafiyeen.

                                                           

WardheerNews: Sidaad la socoto Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye waxa dadka qaarkood u tiiriyaan inuu yahay aabaha miisaanka maansada. Abwaan Maxamed Xaashi wuxuu ku bilaabay qoraalo taxane miisaanka maansada ah Xiddigtii  Oktoobar bishii Janaweri ee sanadkii 1976. Dad badan ayaa doodaa miisaanka ka qeyb galay. Xilligaa uu Gaariye qorayey taxanahaa xaggee joogtay? Ma ka jawaabtay qoraaladaa?  

Carraale: Kolkii aan "Gorfaynta Gabayga" dhameeyey, ayaa Faarax Abokor Khayrre (Faarax-askari) oo qoraalkayga la socdey, Marka-na ka wada shaqayneyney, ayaa Xamar inta uu tegey, hawshayda warkeedii faafiyey. Isaga ayaa markaa u sheegay Gaarirye in aan helista miisaanka ku guuleystey. Isla toddobaadkaa dhexdiisii, waa 1976, ayaa Gaarriye jariidaddii Xiddigta Oktoobar qoraalkiisa ku bilaabay. Anigu marka qoraaladaasi soo baxayaan waxaan joogaa Marka oo Xiddigta Okboobar ma heli jirin.

Ta hore, hawl qoraal dhan oo "buug" ku soo baxday iyo maqaallo(articles) jariidad lagu qoray muddada ay kala qaadan karaan halkaas baad ka garan kartaan. Buug cilmi baadhis ku qotoma  hawshiisu muday socotaa halka maqaalada Gaariye, markuu fikradii ka helay Faarax Askari, aanay muddo ku qaadan karin. 

Ta labaad mucda qoraalkayga ku jirta, ama kolkii 1978 anna aan Xiddigta Oktoobar ku soo ban-dhigay iyo kor-ka-xaadiska ta Gaarriye waad is barbar-dhigi kartaan. Kolka Gaarriye ku hambaabirey qoraalkiisa isagu Xamar buu joogey, aniga, Faarax-askari iyo barayaal kalebana dugsiga sare ee Marka ayaanu barayaal ka ahayn.

Weyddiinta kale, Gaarriye isaga ayaa isku deyey in uu hawsha aan curiyey ka jawaabo. Bal aqoonyahannow isu eega labadayada qoraal kee cilmi-baadhis ah oo  tafo-tir qoto dheer iyo muc nuxur lehba xanbaarsan.  

Taas marka laga gudbo, weyddinta mudani waxa weeye: Carraale iyo Gaarriye kuma ayaa hor helay furaha miisaanka maansada?

Taasna, haddii aad i weyddiisaan, war-celintaydu waxa ay tahay waa Carraale. Waxa marag joob-joog ahna ka ah: 

Faarax Abokor Khayrre- bare

Faadumo Axmed Caalin-cureyja(agaasimihii qaybta maaliyadda ee Jaamacadda Ummada Soomaliyeed)

Xassan Aw Daahir Qaalib - bare(maamulihii xafiiska manaahijta)

Said Saalax Axmed - bare (maamulihii kooxda Iftin ee Wasaarada Waxbarashada iyo Barbaarinta)

Maxamed Ibraahim Warsame - Hadraawi

Prof. John William Johnson  

Dr. Xussin M. Adam,     iyo qaar kaloo badan.

 

WardheerNews: Professor Abdullahi habka adigu aad u soo bandhigtay miisaanka maansda iyo hannaanka Abwaan Gaariye ma isku midaa? Haddii aanay ahayn, maxay ku kala duwan yihiin? 

Carraale: Habka aan anigu u soo ban-dhigay waa mid kala hufan oo qeexaya xeerarka miisaanka xakameeya, sida aan kor ku sheegay.  Ta Gaarriyese ma shiilla, mana kala qalla sida tayda e waa kor-ka xaadis. Ka soo qaad saddexda xeer ee aan anigu ku qotomiyey, kuna arooriyey miisaanka. Midna Gaarriye ma xusin.

   

WardheerNews: Aqoonyahana badan ayaa had iyo jeer la socday talaabada ay qaadayso suugaanta Soomaalidu. Ma jiraan cid aad noo magcaabi karto oo marag ka noqon karta  inaad tahay aqoonyahankii u horeeyey ee kashifay miisaanka maansada? 

Carraale: Inta aan qoraalladooda dhawaamahan arkayey, waa Prof. J. Wm Johnson iyo Maxamed Abdillaahi Riiraash , Gaarriye ka sokow. Labaduba tayda ayay akhriyeen, kana dheegteen. Balse erey-bixin bay ku darsadeen, qoraalladoodana waaba ku aragtaan.

 

WardheerNews:  Adiga iyo Abwaan Gaariye marna ma ka wada hadasheen arrinta miisaanka maansada? Xilligaad ardada wada ahaydeen, adiga iyo Gaariye xagga suugaanta ma ka wada sheekaysan jirteen? Markaad suugaanta falanqayneysaan, miisaanka maansadu ma soo dhex geli jirey? 
 

Carraale: Aniga iyo Gaarriye marnaba kama aanu wada hadal, kamana aanu wada doodin miisaanka. Gaarriye Biology buu barn jirey anna English. Markaa dood-wadaag cilmiyeedba nagama dhexayn. Intii dhammaadkii toddobaatameeyadii (70s) dhawr goor baan doonay in dood  na loo qabto, mase ay suurtoobin.

WardheerNews: Arrinta miisaanka maansada waa qaacida suugaaneed la oran karo waa ikhitiraacid ugu weyney ee suugaanta Soomaalida ee qarniyadan. Abwaan Gaariyo iyo adigu sidee rabtaa in la idiin kala saaro? 

Carraale: Aniga iyo Gaarriye waa in aqoonyahannadu labadayada qoraal is barbar-dhigaan, ka dhabta ku qotomana qaataan. Weliba haddi ay suurtagasho dood noo qabta, goob-jooggiina waraysta. Arrinta ah yaa ku horreeyeyna, waa marag-maddoon, markhaatiyadeediina waa noolyihiin, horena waan u xusay. Waxa marag kale oo mudan ah: aqoon-is-weydaarsigii ugu horreeyey ee 1979 lagu qabtay Hotel Jubba  ninka keli ah ee warqad miisaanka maansada ka hadlaysa ka qoray, kana akhriyey waa Abdillahi D. Guled.  Raggan iminka wax ka sheeganayaa way wada fadhiyeene maxay tarkooda ula iman waayeen?  
 
Mid qudh ah oo aragtidayda tu ka duwan la yimi ma jirin, mid weyddiin iila soo kacayna ma jirin. Fadlan eega "Somalia and the World",  Proceedings of the International Symposium, held in Mogadishu, October 15-21, 1979, compiled and edited by Dr. Hussein M. Adam, Volume 1, page 132.

Wardheer iyo inta waraysigani gaadhaaba waad mahadsan tihiin.

 

Xusuus: Bare Sare Cabdilaahi Diiriye Guuleed(Carraale) wuxu dib isugu geeyey hal buug oo keliya labadiisii buug ee “Gorfeynta Gabayga,1976" iyo “Miisaanka Maansada,1977"  buug keliya oo cinwaankiisu yahay  “Miisaanka Maansada” oo la daabacay 2003.  

Bare sare Cabdillaadi Diiriye Guuleed waxaa lagala xidhiidhi kartaan 
emailkiisa: caraleguled@hotmail.com

 

---------------------------------------------------------------------------