Maanhadal
Wareysi - Abwaan Gaarriye: Waa kuma Aabbaha
Miisaanka Maansada Soomaaliyeed? 
By WardheerNews
Sept 28, 2008

Waxaan bulshada u sheegayaa in aan horraanta bisha Oktoobar London imanayo si aan uga qeyb galo tartan Gabayo lagu soo bandhigayo oo caalami ah, anna aan ku jiro. Waxa aan diyaar u ahay in aan wakhtigaas kulanno si aannu uga wada doodno arrintan aniga iyo Prof. Carraale, iyada oo aan weliba jeclaan lahaa in BBC-da toos looga sii daayo dooddaas.”
Abwaan Gaarriye

 

Tan iyo markii ay WardheerNews wareysigii ay la yeelatay Bare Sare Cabdillaahi Diirye Guuleed (Carraale), uu ku sheegay in uu isagu ahaa aqoonyahankii ugu hor helay qaacidada Miisaanka Maansada Soomaalida, waxa akhristayaal badani sugayeen jawaabta uu arrintaas ka bixin doono Abwaan Maxamed Xaashi dhamac(Gaarriye). Gaarriye waxa dad badani u aqoonsan yihiin in uu isagu ahaa aqoonyahankii daahfuray Miisaanka Maansada.
Haddaba nasiib wanaag waxaa WardheerNews u suurto gashay in ay wareysi khaas ah oo taabanaya arrintan iyo waxyaabo kaleba ay la yeelato Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye).

Abwaan Gaariye oo ah aqoonyahan ku caan baxay hal abuurka suugaanta siiba curinta gabayada ayaa sida aan la wada soconno, waxa uu si rasmi ah ugu soo bandhigay qoraallo ku saabsanaa miisaanka maansada wargeyskii Xiddigta Oktoobar sannadkii 1976.
Qoraaladdaasi ayaa waxay ahaayeen sida uu Prof. Gaarriye ku sheegay wareysigiisa natiijadii cilmibaadhis uu ku sameeyay Miisaanka Maansada oo uu si aad ah u sii dhexgalay baadhisteeda sannadkii 1975. Taas oo ay si buuxda ula socdeen sida uu noo sheegay aqoonyahanno ay ka mid ahaayeen marxuum Muuse Galaal, Prof. Andrzjewiski iyo Saalax Jaamac

Prof. Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) waxaa uu carrabka ku adkeeyay in Prof. Cabdillaahi Diiriye Guuleed (Carraale) oo arrintan ay ku muransan yihiin uu la socday hawshiisa, ayna ka wada sheekeysteen intii ay joogeen kulliyaddii waxbarshada ee Lafoole. Waxaana la yaab leh buu yidhi Gaarriye waxa Carraale uga hadli waayay xilligii aan Cilmibaadistayda ku soo bandhigayay Wargeyskii Xiddigta Oktoobar ee uu maanta uun muranka uga keenay.

Waxaa kaloo uu abwaan Gaarriye xusay in farqi uu u dhexeeyo qaaciidada miisaanka maansada ee uu soo bandhigay isagu iyo midka Carraale.

Abwaan Maxamed xaashi Dhamac (Gaarriye) oo aanu wareysigan ka qaadnay isaga oo ku sugan magaalada Hargeysa, una xamaan urursanaya safar uu ku iman doono magaalada London, ayaa waxa uu u soo jeediyay Prof. Cabdilaahi Diiriye Guulleed (Caraale) in ay ku kulmaan London, loona qabto dood si loo ogaado xaqiiqada cidda daahfurtay miisaanka maansada Soomaaliyeed.

Prof. C/laahi Diiriye Guuled (Carraale) waxa uu isaga laftiisu wareysigii aannu la yeelannay uu ku codsaday in dood loo qabto isaga iyo Gaarriye. Waxa hadda laga dhursugayaa sida uu u fulo codsigaasi ay labada aqoonyahanba soo jeediyeen.

Haddaba wareysigii oo uu abwaan Gaarriye kaga hadlayo arrimahaas iyo kuwo kale oo badanina waxa uu u dhacay sidan:

WardheerNews (WDN): Abwaan, Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) marka hore waxaannu kaaga mahad celineyneynaa fursaddan qaaliga ah ee aad noo siisay inaanu kula yeelanno wareysigan. Waxaannu ku leennahay ku soo dhawow WardheerNews.

Gaarriye: Waad mahadsantihiin

WDN: Inkastoo aad tahay abwaan dhulalka Soomaalidu degto oo dhan si aad ah looga yaqaan, haddana waxaannu jecelnahay bal marka hore inaad guudmar kooban noogu samaysid taariikh nololeedkaaga, siiba dhinaca waxbarashada iyo cilmi baadhista intii aad ku dhex jirtay?

Gaarriye: Waxa aan ku dhashay Hargeysa. Waxbarashadeydii waxa aan ku soo qaatay Sheekh. Markii dambena waxa aan ka baxay jaamacaddii Lafoole aniga oo maadada Bayoolajiga ku takhususay. Waxa aan markii dambe ka tirsanaa Akademiyada Cilmiga iyo Fanka. 1977kii waxa aan Bare dhiga suugaanta Soomaalida (Somali literature) ka noqdey kulliyaddii Lafoole aniga oo madax ka noqday qeybtaas. Waxa aan imika degenahay Hargeysa. Waxa aan ka shaqeeyaa ama wax ka dhigaa jaamacaddaha Hargeysa iyo Camuud. Sidoo kale waxa aan iyana wax ka dhigaa jaamacad ku taal Norwey. Waxa kale oo aan iyana imika madax ka ahay Machad lagu derso suugaanta Soomaalida (institute of Somali studies). Kaasi oo dhawaan laga furey Jaamacada Hargeysa. 

WDN: intii aad ku dhex jirtay cilmi baadhista afka iyo suugaanta Soomaalida waxyaabaha sida gaarka ah laguugu xasuusto waxaa ka mid ah daahfurka Miisaanka Maansada. Bal haddaba marka hore si kooban noogu sharax waxa ay tahay arrintani?

Gaarriye: Waxa ay ka hadleysaa qaabdhismeedka ama miisaanka ay ku fadhido maansadu, waxana aad ka kaga bogan kartaan qoraaladii taxanaha ahaa ee aan ku soo saari jirey wargeyskii xidigta oktoobara 17/01/ 1976 illaa 29/05/1976, kuwaasoo aan nuqul ka mid ahna idiin soo gudbiyey.

WDN: Maxaa kugu dhaliyay inaad arrintan baadhitaan ku samayso, goormayse kugu dhalatay?

Gaarriye: 1969kii annaga oo markaa ku jirna sannadkii u dambeeyey ee dugsiga sare ayaa Axmed Sh. Aaden, oo ahaa macallin na bari jirey tarjumadda (translation) luqadaha Carabiga iyo Ingiriisiga, uu nooga sheekeeyey miisaanka (wasniga) Carabiga. Waxa aan anna isku deyey inaan bal gabeyga ku miisaamo Carabiga, wayna isqaadan waayeen. Af-soomaaligu xilligaa muu qornayn anna si aan u qoro maan garaneyn. Markii la qoray Af-soomaaliga ee aan qori karay baydka Soomaaliga ah ayaan ogaaday in maansada Soomaalidu leedahay dhisme u gaar ah oo ka duwan kii Carabiga. Waxa iyana aad iigu sii dhiiri geliyey Alle ha u naxariistee Muuse Galaal iyo Andzejewski 1975. Ka dib markii aan dhameeyey waxa aan ku soo bandhigey wargeyskii Xiddigta Oktoobar 17/01/1976.

WDN: Waxaa jirta in wareysi aannu dhawaan la yeelannay Prof. Cabdillaahi Diiriye Guuleed (Carraale) uu noo sheegay inuu isagu yahay qofkii ugu horreeyay ee daahfuray miisaanka maansada. Goorma ayey ahayd xilligii kuugu horeysay ee aad maqashay arrinta carraale? Sidee baadse ku ogaatay?

Gaarriye: Horta waxa aan muran ka joogin in aan anigu ahay qofkii u horreeyey ee bulshada u soo bandhiga. Xilligii iigu horeysey ee aan maqlo arrinka Carraale waxa ay ahayd 1978kii. Markaas oo uu ku soo qorey wargeyskii Xiddigtii Oktoobar. Waxase isweydiin leh sababta uu Carraale uga hadli waayey arrintan xilligii aan cilmibaadhistayda ku soo bandhigayey wargeyskii Xiddigta. Haddiise ay seegtay markaas, muxuu 1978kii uga hadli waayey, haddii ay weliba 1978 kii seegtayna muxuu 2003dii uga hadli waayey?

WDN: Maxaa caddaymo ah ee aad soo bandhigi kartaa inaad adigu tahay aqoonyahankii ugu horreeyay ee helay furaha miisaanka maansada. Yaadse nooga magacaabi kartaa dadkii aad xilligaa wada joogteen ee xogogaalka u ahaa cilmi baadhistaada?

Gaarriye: Waxa xaqiiqo ah in marka qof wax soo saaro ee uu bulshadana u soo bandhigo in haddii cid burineysaa waxa uu soo saaray ay jirto, waa iney keenaan cadeymo. Markaa waxa aan leeyahay maadaama aan ahay qofkii u horreeyey ee bulshada u soo bandhigay miisaanka maansada, in cidda burrineysa qoraaladeydii aan ku soo daabici jirey wargeyskii Xiddigta 17/01/76 ilaa 29 /05/76 ay cadeymo keenaan, bal idinkuna wareysta dadkii xilligaa wax ka ogaa rarintan. Dadkii sida weyn iigu dhiirigeliyey in aan wargeyska ku daabacana waxa ka mid ahaa Muuse Galaal, Andrzjewski iyo Saalax Jaamac

WDN: Labadan aqoonyahan ee hore (Muuse Galaal iyo Andrzjewski) ee aad magacawday midkoodna hadda ma noola. Markaa miyaanay jirin cid kale oo hawshaada ka war haysay dadkii badnaa ee Lafoole ama Akadeemiyadda aad wada joogteen?

Gaarriye: Waa runtaa oo midkoodna ma noola, laakiin waxa nool wixii ay ka tageen.

WDN: Prof. Carraale arrintan hore marna ma uga wada hadasheen?

Gaarriye: Waxa aanu ahayn isku guri, waxana uu ka mid ahaa qolyihii aan 1972-73 u sharrixi jirey. Maalmahaas ayaa uu Saalax Jaamac igula teliyey inaan qoraal ka sameeyo oo aan bulshada u soo bandhigo

WDN: Ma dhici kartaa in labadiina oo aan is ogeyn uu mid kastaa gaarkiisa adiga iyo Carraaale u helay miisaanka maansada Soomaalida?

Gaarriye: Maya, waayo waxa uu goobjoog ka ahaa marar badan anniga oo Lafoole arrintaas kaga hadlaya. Waxa kale oo uu naqdin lahaa qoraaladii aan Xiddigta ku soo daabici jiray bilihii Jenaweri ilaa May 1976 kii, sida ay qolooyin kaleba dooddooda wargeyska ugu soo bandhigeen. Kuwaasi oo aan aniguna isla wargeyskaas ugu jawaab celiyey.

WDN: Oo waxaad leedahay xilligaa Prof. Carraale wax cilmi baadhis ah oo arrintan ku saabsan muu wadin?

Gaarriye: Haa, waayo waan ka maqli lahaa haddii uu wadey.

WDN: Ma jiraa farqi u dhexeeya qaabka uu Carraale u soo bandhigay miisaanka maansada iyo midka aad adigu heshay?

Gaarriye: Haa farqi baa u dhexeeya, oo si kala duwan ayaanu uga hadalnay ama u soo bandhignay. Waxa aad si fiican u arki kartaa farqigaas marka aad akhrisato labadii qoraal ee aanu ku soo kala saarnay wargeyskii Xiddigta.

WDN: Mar haddii labadiina uu midba dhankiisa kaga adkeysanyo in uu isagu helay qaaciidada miisaanka Soomaalida, sidee bay kula tahay in la idinku kala saari karo?

Gaarriye: Waxa aan diyaar u ahay in dood naloo qabto, aniga oo weliba jeclaan lahaa in doodaas naloo qabto horraanta bisha oktoobar, idaacahadahana toos looga sii daayo sida BBCda. Xilligaas oo aan anigu ku suganahay London oo aan kaga qeybgelayo tartan gabayada ah oo caalami ah, mar haddii ay isaga Afriki ku fog tahay.

WDN: Maxay tahay Faa'iidada ay qaacidada miisaanka maansadu ku soo kordhisay barashada suugaanta Soomaalida?

Gaarriye: Waxa ay kuu sahlaysaa in aad fahamtid qaabka ay maansada Soomaalidu u dhisantahay, iyo sababta ay dhegtaadu u diido markay maqasho beyd jaban. Iyada oo faahfaahsanna waxa aad kaga bogan kartaan qoraalada aan idiin soo gudbiyey (Miisaanka Jiiftada; Miisaanka Maansada).

WDN: Dad badan markay akhriyaan qoraalkii aad arrintan kaga hadlaysay ee aad Xiddigta Oktoobar ku soo qortay sannadkii 1976, waxay u qaateen in laga baran karo sida loo gabyo, qofkii qaacidaada bartaana uu gabyaa noqon karo. Ma sidaas baa Abwaan Gaariye?

Gaarriye: Maya, shardi ma aha in laga baran karo. Berrigaase waxaan qabay in gabyaa la noqon karo marka la barto.

WDN: Xilligii aad arrintan soo bandhigtay ka dib ma jireen baadhitaano kale oo ku taxaluqa miisaanka maansada oo aad samaysay mise intaasayba ku dhammayd oo wax ka dhimanba ma jirin?

Gaarriye: Haa, way jiraan. Waxa aan bulshada u hayaa waxyaabo badan oo cusub oo layaab leh (surprises). Kuwaas oo aan ku soo bandhigi doono doodaas (kulankaas), mana doonayo inaan kasii hordhaco oo si kale looga faa’iideysto

WDN: Waxaad tahay Abwaan si aad ah ugu caan baxay curinta maansada siiba gabayada. Miisaanka maansada ka sakow ma jiraan qoraallo iyo cilmi baadhis kale oo aad ku samaysay Afka iyo Suugaanta Soomaalida?

Gaarriye: Haa, suugaanta ayaan ku sameeyey oo waa tan aan imikaba jaamacadaha ka dhigo.

WDN: Dad badan marka ay maqlaan Gaarriye waa macallin dhiga Bayoolajiga aad bay ula yaabaan, maadaama aad tahay suugaanyahan. Maxaad cilmiga Bayoolajiga ku dooratay waa laba maaddo oo aad u kala foge?

Gaarriye: Bayoolajigu waa maaddo aan xiiseeyo, suugaantuna waa qayb noloshayda ka mid ah. Waxa aan isleeyahay qaacidooyinka suugaanta ee aan helay sayniskaaba iga caawiyey. Qaanuun diidayaa ma jiro in qofku isaga oo gabyaa ah uu haddana Sayniska barto.

WDN: Waxaa jira hal abuurayaal Soomaaliyeed oo da' yar oo hadda dardartoda qaba. Maxaad kula talin lahayd abwaanda da'da yar ee xilligan?

Gaarriye: Horta suugaanta cidi gaar uma laha oo waa wax Soomaali oo dhan dhex u ah. Waxa habboon in dhallinyarada cusub aad loogu dhiiri geliyo lagana ilaaliyo qabyaaladda. Anigu shakhsi ahaan aad ayaan u jecelahay in aan wixii aqoonteyda ah aan ugu kordhiyo, waayo waa iyaga kuwa mustaqbalka nagala wareegi doonaa.

WDN: Ugu dambeystii maxay tahay farriinta aad gaadhsiinayso dadka Soomaaliyeed ee Suugaanta xiiiseeya?

Gaarriye: Waxa aan leeyahay Soomaalida oo dhan, arrinta hadda soo baxday ee muranka misaanka, waxa habboon in aan arrinka la qabyaaladeyn ee la isbarbardhigo uun qoraaladeydii iyo kuwa carraale. Waxa wareysigiisii ka muuqdey in uu lahaa Gaarriye qoraaladii uu 76kii soo bandhigey waxay ahaayeen sir uu aniga iga xaday, oo aan fikradana ka maqlay Faarax Askari oo ay Marka wada joogeen. Laakiin waxa isweydiin leh qoraaladii aan anigu ku soo bandhigi jirey Xiddigta Oktoobar iyo kuwiisu ma isku midbaa? Qofna cilmibaadhis aanu ku hawshoon inta uu maqlo uun sida waxyiga uguma soo degto oo khabiir iskama noqdo. Tusaale ahaan Gaarriye oo aan weligii garoon is dhex taagin haddii la yidhaa Goolkii adduunka ugu quruxda badnaa ayuu dhaliyay, waxaa la isweydiinayaa xagguu kubadda ku bartay, goormuuse ciyaari jiray? Waa wax aan caqligal ahayn.

Bulshada waxa aan u sheegayaa in horraanta bisha Oktoobar aan London imanayo si aan uga qeybgalo tartan gabayo lagu soo bandhigayo oo caalami ah, anna aan ku jiro. Waxa aan diyaar u ahay in aan wakhtigaas kulanno si aanu uga wada doodno arrintan aniga iyo Prof. Carraale, iyada oo aan weliba jeclaan lahaa in BBC-da toos looga sii daayo dooddaas.

WDN: Aad baad u mahadsan tahay Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye)

Gaarriye: Idinkaa mudan



We welcome the submission of all articles for possible publication on MaanHadal.com .
please email your article to Webmaster@Maanhadal.com
Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of MaanHdadal.com